Marcus Aurelius (121–180 AD) wuxuu ahaa Imbaraadoor Roomaan ah iyo mid ka mid ah faylasuufyadii ugu muhiimsanaa ee dugsiga Istooikiska (Stoicism), kaas oo inta badan loo yaqaanno "Imbaraadoorkii Faylasuufka ahaa". Buugiisa xusuus-qorka ah ee "Meditations", oo uu qoray xilli uu hoggaaminayay ololeyaal milatari oo adag, wuxuu ina siinayaa casharro aan waqtigu duqeyn karin oo ku saabsan sida loo xakameeyo nafta, loogu adkaysto waayaha adag ee nolosha, loogana adkaado is-weyneysiinta iyadoo diiradda la saarayo shaqada iyo mas'uuliyadda shaqsiga.
6 OraahyoDhuux bilicda nolosha iyo quruxda jiritaanka. Eeg xiddigaha kor heehaabaya, adiguna iska dhex arag adoo la dabbaalanaya nuxurka kawnka.
Aarsiga kan ugu mudan ee qof lagu ciqaabo, waa inaadan u dhaqmin sidii kii dhibta kuu gaystay oo kale.
Nasiibka iyo nuurka noloshaadu waxay ku xidhan yihiin hadba miisaanka iyo miidda ay leeyihiin fikradahaagu.
Dooro inaan lagu waxyeellayn, markaas dareen dhib u mican maysid; haddii aadan dhib dareeminna, dhab ahaan waxyeello kuguma dhicin.
Xukunkaaga rasmiga ahi wuxuu ku kooban yahay garaadkaaga, ee ma aha masiibooyinka dibadda; haddii aad nuxurkaas dhuuxdo, waxaad heli doontaa xoog(Awood) aan marnaba jabin ama daciifin.
Waxa aan maqalno waa aragti dad, ee maaha xaqiiqo dhaba. Waxa aan aragnona waa uun siday inala tahay, ee maaha runta dhamaystiran.