
Leo Tolstoy (1828–1910) wuxuu ahaa qoraa iyo faylasuuf Ruush ah oo loo aqoonsan yahay mid ka mid ah sheeko-qoreyaashii ugu weynaa taariikhda adduunka, qoraana buugaagta waaweyn ee halyeeynimada ah sida "War and Peace" iyo "Anna Karenina". Qeybtii dambe ee noloshiisa, wuxuu isku beddelay nin si weyn u dhaliila nidaamyada dawladaha iyo hantida, wuxuuna qaatay falsafad ku dhisan xumaan-iska-caabin-la'aan (non-violent resistance) iyo nabaadiino, taas oo markii dambe dhiirrigelisay hoggaamiyeyaasha xuquuqda aadanaha sida Mahatma Gandhi.
9 OraahyoBiniaadamku waa sida jabir xisaabeed(Xisaab jajab ah): Sareeyuhu waa dhabta waxa uu yahay, Hooseeyuhuna waa is-moodka uu isku qabo. Mar kasta oo uu Hooseeyuhu (is-moodku) weynaado, waxaa yaraada miisaanka dhabta ah ee qofka.
Xigmadda dhabta ahi ma aha urursiga aqoon kasta oo dunida taalla; balse waa garashada iyo kala-miidhida waxa nolosha rukunka u ah, waxa dacalada uun kaga xidhan, iyo waxa aan marna mudnayn in maanka lagu culaysiyo.
Dulqaadku ma aha fadhiidnimada iyo sugidda gablanka ah, waayo taasi waa caajisnimo uun. Sabirka dhabta ahi waa dhabar-adayga iyo socodka hagar-la’aanta ah, xataa marka uu jidku yahay mid qodax badan oo hannaankiisu gaabis yahay. Labada quwadood ee libinta dammaanad-qaada, waa samirka iyo waqtiga.
Aad saas u kulantaanba labiskaaga ayaa lagugu miisaamaa, balse marka la kala tagayo garaadkaaga ayaa lagugu qiimeeyaa.
Dembigu waa daciifnimo bini'aadane, balse in dembiga qiil loo sameeyaa waa camal sheydaan.
Arrimaha ugu qallafsan waa laga dhaadhicin karaa ruuxa fahamkiisu ugu liito, haddii uusan horey uga samaysan aragti go'an; balse arrinta ugu fudud xitaa lama fahamsiin karo qofka ugu caqliga badan, haddii uu isku-qanciyay in uu mar horeba wada ogaa waxa la hor dhigay.
Nasiib-darrada ugu weyn ee dadka aan Eebbe rumaysnayn haysataa, waa iyagoo dunidan dhex mushaaxa, balse aan haysan cid ay u mahadceliyaan.
Wax kastaa xilliga ku habboon ayay u yimaadaan, ruuxa garanaya sida loo samro.
Qofka maankiisu xorta yahay waa kan maskaxdiisa u adeegsada xaqiiqo-raadis eex ka madhan, oonan ka gaban in uu dhuuxo afkaaro ka hor imanaya dhaqankiisa, danihiisa, ama waxa uu aaminsan yahay. Sifadani waa dhif in la helo, balse waa laf-dhabarta garashada toosan.