
Khalil Gibran (1883–1931) wuxuu ahaa qoraa, abwaan, iyo farshaxan-yahan Lubnaani-Mareykan ah, kaas oo suugaantiisu ay buundo isku xirta u noqotay falsafadaha Bari iyo Galbeedka. Buugiisa ugu caansan ee "The Prophet" (Nabiiga), wuxuu ku soo bandhigay xigmad ku dhisan ruuxaaniyad, jacayl, iyo nabad, isagoo adeegsanaya af-maalnimo fudud balse xambaarsan farriimo nolosha iyo geerida ku saabsan oo si weyn u taabanaya dareenka shucuureed ee aadanaha.
8 OraahyoHaddii aan raalli ku noqdo iftiinka iyo dugsiga cadceedda, waa in aan sidoo kale guddoomaa guuxa onkodka iyo gantaalada danabka⚡️.
Deeqsinimadu waa huridda wax ka weyn awooddaada; gobannimaduna waa guddoomidda wax ka yar baahidaada.
Nuxurka dhabta ah ee qofku kuma jiro inta uu bannaanka soo dhigo, balse wuxuu ku duugan yahay inta aanu awoodin inuu shaaca ka qaado. Haddaba, haddii aad doonayso inaad dhuuxdo shakhsiyaddiisa, dhegta ha u dhigin uun dhawaaqa afkiisa, balse labo-dhegayso aamusnaantiisa iyo weedha uusan carrabku goyn.
Iga xijaaba murti aan damqasho la ilmayn, garaad aan weji-furnaan la qoslin, iyo haybad aan dhallaanka u qalbi jilicsanayn.
Dhaxanta darran iyo duufaantu ubaxa way xaalufiyaan; balse awood uma laha inay dabar-gooyaan abuurkiisa(Jirididiisa).
Waa xaqiiqo sooyaalka ku xardhan; in kalgacalku aanu weligii dhuuxin muggiisa dhabta ah, ilaa ay timaaddo saacadda kala-guurku.
Diihaalka iyo dhibta gunteeda ayay ka hanaqaadaan nafaha ugu adkaysiga badan; inta ugu milgaha iyo maamuuska culusna, waa kuwa ay jiritaankooda ku suntan yihiin nabarradii sooyaalka.
Walaaca joogtada noo hayo kama dhasho odoroska mustaqbalka, balse wuxuuse salka ku hayaa damaca ah in aynu maamulno maalmaha aan weli dhalan(Mustaqbalka).