Baaro kumanaan oraahyo iyo murtida adduunka ugu qiimaha badan, oo lagu turjumay Af-Soomaali.
Nasiib-darrada ugu weyn ee dadka aan Eebbe rumaysnayn haysataa, waa iyagoo dunidan dhex mushaaxa, balse aan haysan cid ay u mahadceliyaan.
Haddii aan raalli ku noqdo iftiinka iyo dugsiga cadceedda, waa in aan sidoo kale guddoomaa guuxa onkodka iyo gantaalada danabka⚡️.
Ha dhexgalin umuuraha, dadku yuu ku eedayn.
Waxaan nahay waxa aan joogto uga shaqayno. Sidaa darteed, wacnaantu maaha fal keliya, ee waa dabeecad iyo caado.
Waxaa timaada maalin ay is-bedel la'aantu ka xanuun badan tahay dhibaatada aad u marto koritaanka iyo guusha.
Waqtigii ugu habboonaa ee aad geed abuuri lahayd waxay ahayd 20 sano kahor, waqtiga labaad ee ugu fiicanna uguna fursada badan waa hadda.
Sadax eray halkii dooni, soddon yaaney kaa qaadan.
Wax kastaa xilliga ku habboon ayay u yimaadaan, ruuxa garanaya sida loo samro.
Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka horeeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan.
Geesinimadu maaha inaanad waligaa kufin, ee waa inaad kacdo mar kasta oo aad kufto.