Ku saabsan dabeecadaha aadanaha, maskaxda, iyo dareenka.
9 XikmadoodAqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha.
Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya.
Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro.
Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin.
Farxaddu gacan shisheeye lagama sugo, ee ficilkaaga wanaagsan ayay ka dhalataa.
Qofkii hela ujeeddo iyo yool uu u noolaado, wuu u adkaysan karaa dhib kasta oo soo wajaha.
Ujeedada nolosheenu waa inaan helno farxad iyo xasillooni nafeed.
Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah, qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha.
Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo.