Fikirka qoto-dheer, falsafadda qadiimiga ah iyo kuwa casriga ah.
80 XikmadoodDhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa.
Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha.
Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay.
Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen.
Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano, Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo.
Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan.
Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka horeeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan.
Dadka kuwa ugu hantida badan Aya ah kuwa ugu hurdada yar.
Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo.
Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah.
In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro.
Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah inaad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna inaad ka soo horjeesataa waa waajib.
Aqoon la'aantaada oo aad ogaataa waa bilowga xigmadda dhabta ah.
Qofka wax og wuu hadlaa, balse kan xigmadda leh wuu dhegaystaa.
Guri aan buugaag iyo aqoon oolin, wuxuu la mid yahay jir aan ruux ku jirin.
Xaalad kasta way isbedeshaa, maalmo adagna ma waaraan.
Safar kasta oo dheer, wuxuu ka bilowdaa tallaabada ugu horraysa.
Waqtigii ugu habboonaa ee aad geed abuuri lahayd waxay ahayd 20 sano kahor, waqtiga labaad ee ugu fiicanna uguna fursada badan waa hadda.
Qofka maankiisu xorta yahay waa kan maskaxdiisa u adeegsada xaqiiqo-raadis eex ka madhan, oonan ka gaban in uu dhuuxo afkaaro ka hor imanaya dhaqankiisa, danihiisa, ama waxa uu aaminsan yahay. Sifadani waa dhif in la helo, balse waa laf-dhabarta garashada toosan.
Wax kastaa xilliga ku habboon ayay u yimaadaan, ruuxa garanaya sida loo samro.
Nasiib-darrada ugu weyn ee dadka aan Eebbe rumaysnayn haysataa, waa iyagoo dunidan dhex mushaaxa, balse aan haysan cid ay u mahadceliyaan.
Arrimaha ugu qallafsan waa laga dhaadhicin karaa ruuxa fahamkiisu ugu liito, haddii uusan horey uga samaysan aragti go'an; balse arrinta ugu fudud xitaa lama fahamsiin karo qofka ugu caqliga badan, haddii uu isku-qanciyay in uu mar horeba wada ogaa waxa la hor dhigay.
Dembigu waa daciifnimo bini'aadane, balse in dembiga qiil loo sameeyaa waa camal sheydaan.
Aad saas u kulantaanba labiskaaga ayaa lagugu miisaamaa, balse marka la kala tagayo garaadkaaga ayaa lagugu qiimeeyaa.
Dulqaadku ma aha fadhiidnimada iyo sugidda gablanka ah, waayo taasi waa caajisnimo uun. Sabirka dhabta ahi waa dhabar-adayga iyo socodka hagar-la’aanta ah, xataa marka uu jidku yahay mid qodax badan oo hannaankiisu gaabis yahay. Labada quwadood ee libinta dammaanad-qaada, waa samirka iyo waqtiga.
Xigmadda dhabta ahi ma aha urursiga aqoon kasta oo dunida taalla; balse waa garashada iyo kala-miidhida waxa nolosha rukunka u ah, waxa dacalada uun kaga xidhan, iyo waxa aan marna mudnayn in maanka lagu culaysiyo.
Biniaadamku waa sida jabir xisaabeed(Xisaab jajab ah): Sareeyuhu waa dhabta waxa uu yahay, Hooseeyuhuna waa is-moodka uu isku qabo. Mar kasta oo uu Hooseeyuhu (is-moodku) weynaado, waxaa yaraada miisaanka dhabta ah ee qofka.
Xeeladda ugu sugan ee maxbuus baxsad looga baajiyo, waa isagoon marnaba dareemin inuu xabsi dhex joogo.
In xaqiiqada qadhaadh la wajaho laguna murugoodo ayaa ka door roon, in dhalanteed madhan lagu naalloodo.
Cabsidu geerida ma baajiso, balse noloshey kaa baajisaa.
Waallidu waa halka ugu sarraysa ee ay garashadu gaarto.
Walaaca joogtada noo hayo kama dhasho odoroska mustaqbalka, balse wuxuuse salka ku hayaa damaca ah in aynu maamulno maalmaha aan weli dhalan(Mustaqbalka).
Diihaalka iyo dhibta gunteeda ayay ka hanaqaadaan nafaha ugu adkaysiga badan; inta ugu milgaha iyo maamuuska culusna, waa kuwa ay jiritaankooda ku suntan yihiin nabarradii sooyaalka.
Waa xaqiiqo sooyaalka ku xardhan; in kalgacalku aanu weligii dhuuxin muggiisa dhabta ah, ilaa ay timaaddo saacadda kala-guurku.
Dhaxanta darran iyo duufaantu ubaxa way xaalufiyaan; balse awood uma laha inay dabar-gooyaan abuurkiisa(Jirididiisa).
Iga xijaaba murti aan damqasho la ilmayn, garaad aan weji-furnaan la qoslin, iyo haybad aan dhallaanka u qalbi jilicsanayn.
Nuxurka dhabta ah ee qofku kuma jiro inta uu bannaanka soo dhigo, balse wuxuu ku duugan yahay inta aanu awoodin inuu shaaca ka qaado. Haddaba, haddii aad doonayso inaad dhuuxdo shakhsiyaddiisa, dhegta ha u dhigin uun dhawaaqa afkiisa, balse labo-dhegayso aamusnaantiisa iyo weedha uusan carrabku goyn.
Deeqsinimadu waa huridda wax ka weyn awooddaada; gobannimaduna waa guddoomidda wax ka yar baahidaada.
Haddii aan raalli ku noqdo iftiinka iyo dugsiga cadceedda, waa in aan sidoo kale guddoomaa guuxa onkodka iyo gantaalada danabka⚡️.
Marka aan u xusul-duubto daba-galka waxa aan moodayo in aan u oommanahay, maalmahaygu waxay isu rogaan holac iyo guuxa diiqada; balse haddii aan dhabarka dhigto gogosha samirka, wixii baahidaydu ahayd ayaa iigu soo burqada, iyaga oo dhib iyo diihaal ka caagan. Halkaas ayaan ka dhuuxay; in wixii aan raadinayay ay iyaguna i baadi-goobayaan, i doonayaan, iina soo hanqal-taagayaan. Waa sir culus oo meeshaas ku duugan, ruuxii laxaamaddeeda dhuuxi kara mooyee!.
Dillaaca boogtu waa marinka uu nuurku naftaada uga soo duso.
Xeesha dhabta ah ee garashadu, waa fahamka wixii is-moogeysiin mudan.
Kolka aad gooni-joog noqoto, laabta gasho in Eebbe khalqiga intiisa kale kaa xijaabay; si madashu adiga iyo Mawlahaa uun idiinku soo koobanto.
Awooddeenna tan ugu baaxadda culus, waxay ku duugan tahay debecsanaanta iyo diir-nuglaanta laabteenna.
Milgaha(Erayada) weedhaada kordhi, balse maya dhawaaqa codkaaga; waayo waa xareedda roobka ta ubaxa biqisa, ee ma aha guuxa onkodka.
Mahadnaqu waa khamriga ruuxda; ee durduri, oo nafta ku sakhraami dhadhankiisa.
Muuqaaga dushu sare ha turjumo dhabta uurkaaga(Guntada hoose); ama uurkaagu ha rumeeyo sawirka aad huwan tahay.
Balse, dhalaalka dhalanteedka ah ee adduunyadu wuxuu kala irdheeyaa addoonka iyo Eebihiis.
Carrabka qofku waa mullaaxda laga moxoobo dhabta waxa laabtiisa ku biyo-dhigay.
Xukunkaaga rasmiga ahi wuxuu ku kooban yahay garaadkaaga, ee ma aha masiibooyinka dibadda; haddii aad nuxurkaas dhuuxdo, waxaad heli doontaa xoog(Awood) aan marnaba jabin ama daciifin.
Dooro inaan lagu waxyeellayn, markaas dareen dhib u mican maysid; haddii aadan dhib dareeminna, dhab ahaan waxyeello kuguma dhicin.
Nasiibka iyo nuurka noloshaadu waxay ku xidhan yihiin hadba miisaanka iyo miidda ay leeyihiin fikradahaagu.
Aarsiga kan ugu mudan ee qof lagu ciqaabo, waa inaadan u dhaqmin sidii kii dhibta kuu gaystay oo kale.
Dhuux bilicda nolosha iyo quruxda jiritaanka. Eeg xiddigaha kor heehaabaya, adiguna iska dhex arag adoo la dabbaalanaya nuxurka kawnka.
Dadku waa addoomoo, Lama siin awoodaha Alle lagaga maarmoo, Kali lagu ahaadee, Ha ilaawin baqashada
Dareenkaga gaar ka ah dadka ha u ga faaloon
Waxaaan saadir kuu qorin, Ha u suul dhabaaaleenin
Ha dhexgalin umuuraha, dadku yuu ku eedayn.
Ninku siray hafaaleyni, Sababaha haweydiinin, Ha-useeta dheereynin, Hana sidin culeeskiisa, Siriq iyo ku qabo beydo Hana falin(Samayn) siduu yeelay
Qalinkaa wax suureeya, Kugu sima halkaad doonto, Saxib kal furan weeye, Sunta fara ku heyntiisa, Weligaa hasii deyn
Hassar wicin qof kaajeeda, Hana sugin qof kaa marmay, Hana sigan mar mooyane
Dib u dhacu waxa uu yimaadaa, marka waajib umadi leedahay qof keli ah looga Haro
Qabrigaygu deyr ma leh, Darbi iyo Astaan ma le, Dugsashiyo ag-joog ma leh, Dunbukh iyo salaan ma leh, Damdam iyo aloos ma leh
Kalasaar run iyo been, kalagaro sir iyo caad, In salaadu weligeed kala tahay sunniyo faral u ogoow sax iyo maan.
Sadax eray halkii dooni, soddon yaaney kaa qaadan.
Maxan dogob beer is iri, Daruuro u soo sasabay, Daryeelka kumaal is idhi, Biyuhu uga sii dareen, Waxaan dag dag jeer ku liqay maxay shishay ii damqeen, kasheyda dugashadeen.
Mintid noqo abaabulan, iyo lagama maarmaan.
Markeey dani meeday tiri, Maxaan tala meel ka dayay
Asalkeeda garashada, haka dhigin ogaalkaaga
Muxuu dayax soo mir kacay, Deegaan kale ii furfuray.
Nin diiday inaad runtahay, Ku dooday inaa dan jirin, Robow dunidaadan bilan, Dunteeda ma sheegi karo
Saddex shay weligood ma qarsoonaadaan: Qorraxda, Dayaxa, iyo Runta.
Runtu xorriyad ayay ku siinaysaa, balse marka hore xanuunkeeda ayay ku badaysaa.
Waxa aan maqalno waa aragti dad, ee maaha xaqiiqo dhaba. Waxa aan aragnona waa uun siday inala tahay, ee maaha runta dhamaystiran.
Nolol aan dib u milicsi iyo is-qiimayn lahayn, in la noolaado ma istaahisho.
Ugu dambaynta, muhiimadu maaha tirada sanadaha aad noolayd, ee waa micnaha iyo qiimaha aad u yeeshay sanadahaas.
Noloshu waa is-bedelka yimaada xilliga aad ku mashquulsan tahay qorsheyaal kale.
Waxaan nahay waxa aan joogto uga shaqayno. Sidaa darteed, wacnaantu maaha fal keliya, ee waa dabeecad iyo caado.
Bini'aadamku waa abuurka keliya ee diida inuu aqbalo xaqiiqada abuurtiisa dhabta ah.
Caqliga bini'aadamku xad buu leeyahay, balse doqonnimadiisu waa mid xuduud la'aan ah.